Golaha-Shacabka oo meelmariyay heshiiska difaaca ee Soomaaliya & Turky.

Golaha-Shacabka oo meelmariyay heshiiska difaaca ee Soomaaliya & Turky.

Muqdisho (Raxanreeb )- Barlamaanka Soomaaliya ayaa maanta oo Arbaca ah meelmariyay heshiiska difaaca ee dalalka Soomaaliya iyo Turky – kaas oo socon doona mudda ka badan toban sanno.

Heshiiskan waxa uu soo maray Golaha wasiirada xukuumadda Soomaaliya oo isla maanta  ansixiyay ka dib fadhi ay ku – yeesheen magaalada Muqdisho.

Heshiiskan oo ah mid xasaasi ah ayaa ku saabsan iskaashi dhinaca difaaca iyo dhaqaalaha, xilli ay Soomaaliya xiisad xooggan kala dhaxeyso Ethiopia.

Kulanka Baarlamaanka oo maanta ay fadhiyeen 216 mudane ayaa waxaa ogolaaday 213 mudane oo kamid ah labada Aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyada Soomaaliya.

Gudoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Sheikh Aadan Maxamed Nuur Madoobe ayaana shaaciyay in hreshiiskan taariikhiga ah ay soo gudbisay xukuumadda Soomaaliya.

Heshiiskan ay maanta ansixiyeen labada gole ee dowladda Soomaaliya ayaa ah mid wax badan u taraya dalka iyo dadka Soomaaliyeed, waxa ayn Soomaaliya heleysaa garab ka difaaca cid kasta oo ku xad-gudubka badeeda iyo dhulkeeda.

Turkiga ayaa ah saaxiibka koowaad ee Soomaaliya, wuxuuna taageero buuxda siiyaa Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo uu ka qayb qaato dib u dhiskooda.

Leave a Reply

Your email address will not be published.