Muqdisho (Raxanreeb )- Maanta oo Arbaca ah madaxwaynaha Soomaaliya ayaa hortagay Golaha shacabka , halkaas oo ay ku kulansan yihiin labada aqal ee Barlamaanka Soomaaliya.
Madaxwaynaha oo khudbad dhinacyo badan ka jeedinaya , Golaha shacabka ayaa la sheegayaa inuu dalbaday in dibad looga saaro weriyayaasha taas oo buuq badan ay ka dhalatay.
Waxaa la arkayay suxufiyiin badan oo laga saaray Hall-ka halkaas oo madaxwaynaha Soomaaliya uu kula hadlayo mudanayasha Golaha shacabka ee Barlamaanka Soomaaliya.
Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sidoo kale khudbadiisa diiradda kusoo saari doona arrimaha Dastuurka xilli dowladdu ay dadaal ugu jirto sidii loo meelmarin lahaa Dastuurka oo ay doodiisa ay socoto.
Madaxweynaha ayaa Baarlamaanka labadiisa gole la wadaagi doona wixii uu kala soo kulmay shirka midowga Afrika iyo xaaladda dalka kusoo korortay ee arrimaha Itoobiya oo meel adag gaartay.
Leave a Reply