Golaha shacabka oo sharci muhiim ah meelmariyay

Muqdisho (Raxanreeb ) Xildhibaano ka tirsan  Golaha shacabka ayaa meelmariyay sharciga hindise sharciyeedka ‘Dhowrista maal-gashadayaasha iyo maalgashiga.

Sharcigaan waxaa u codeeyey 145 Xildhibaan, halka laba Xildhibaan ay ka aamustay, wax diidayna ma jirin.

Sidoo kale ajendaha maanta ee Goolaha waxaa ku jirta qeybinta warbixinta akhrinta labaad ee hindise sharciyeedka la dagaalanka argagixisada.

Xildhibaanada Golaha shacabka ayaa maanta sidoo kale iyo marsiinta akhrinta 3-aad, u codeynta hindise sharciyeedka Aqoonsiga iyo Diiwaangalinta dadweynaha.

Xildhibaannada Golaha Shacabka ayaa waxaa weli horyaalla Ajandayaal dhowr ah, kuwaas oo maalmaha soo socda ay ka doodi doonaan inta aan la xirin kal-fadhiga labaad ee Golaha Shacabka.

Leave a Reply

Your email address will not be published.