Golaha Wasiiradda oo aan sixiyay labo sharci oo muhiim ah

Golaha Wasiiradda oo aan sixiyay labo sharci oo muhiim ah

Muqdisho (Raxanreeb)  Golaha Wasiiradda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta yeeshay shirkoodi Toddobaadlaha iyagoona meel mariyay sharciyo muhiim ah.

Hindise sharciyeedyada ey maanta ansixiyeen golaha wasiiradda ayaa waxa ay kal yihiin Hindise Sharciyeedka Arrimaha Xajka iyo Xeer-nidaamiyaha Xuquuqda Bukaanka iyo Shaqaalaha Caafimaadka.

Sidoo kale, Sharciyadan oo ay soo kala gudbiyeen Wasaaradda Caafimaadka iyo Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta.

Dhanka kale, Kulankan oo uu shir guddoomiyay R/Wasaare Xamze Cabdi Barre ayaa waxaa looga hadlay arrimo badan oo ay kujiraan warbixino laxiriira amniga,deyn cafinta.

Golaha Wasiiradda ayaa kulanka kadib guulaha ey ciidanka xoogga dalka kagaareen howlgaladii ugu dambeeyay ee dagaalka kadhanka Al-Shabaab.

Leave a Reply

Your email address will not be published.