Jubbaland ma doonayso in ATMIS dalka ay ka baxaan

Jubbaland ma doonayso in ATMIS dalka ay ka baxaan

Kismaayo (Raxanreeb ) in muddo ahba waxaa socday qorsha dalka ay  uga baxayaan ciidanka ATMIS waxaana jiray  codsi Dowladda Soomaaliya ay u dirtay Golaha ammaanka oo ay ku dalbanaysay sii joogitaanka dalka ATMIS

Ka bixitaanka ATMIS ayaa  waxaa  walaac ka muujiyay  Dowladda Soomaaliya iyo maamul goboleedka Jubbaland oo deegaanadeeda ay joogaan ciidan ka socda Kenya ee ATMIS.

Madaxweyne ku xigeenka maamulka Jubbaland  Maxamuud Sayid Aadan ayaa sheegay in loo baahan yahay in dib loo eego waqtiga ciidamada Soomaalidu ay amniga dalka kala wareegi karaan ATMIS.

Saldhigaas oo ciidamada Kenya ayaa ka baxeen waxaa la sheegay inay dib u qabsadeen Al-Shabaab, taas oo walaac ku abuurtay qorshaha bixitaanka ATIMIS.

Bishii Juun ayaa 2,000 kun oo ah ciidamada ATMIS ayaa ka baxay Soomaaliya, ciidankaas ayaa baneeyey ilaa 7 saldhig oo mid ka mid ah uu ku yaallo deegaanka Geriley ee gobolka Gedo – Jubbaland.

Leave a Reply

Your email address will not be published.