Goormuu furmayaa Shirka DF Deni se maxa laga sameynayaa ?

Muqdisho (Raxanreeb ) Maanta oo Axad ah ayaa lagu wadaa in shirka Maamul goboleedyada iyo Dowladda Federaalka ayaa ka socoto magaalada Muqdisho.

Shirkan waxaa looga hadli doonaa , amniga siyaasaada iyo abaaraha ka jira meelo ka mid ah dalka.
waxaa ka maqan shirkan Madaxwaynaha Maamul goboleedka Puntland Saciid Abdullaahi Deni oo sabab amni uu ku sheegay imaanshihiisa magaalada Muqdisho.

Madaxwaynaha – maamulka Puntaland ayaa aalada fogaan araga ZOOM uga qayb gali doono shirkan oo ay fadhiyaan inta badan maamul- goboleedyada kuwaas oo shalay soo gaaray magaalada Muqdisho.

Shirkan ayaa daba socdo kulankii fashilmay ee ay gudaha Muqdisho ku yeesheen wasiirka maaliyadda dowladda dhexe iyo wasiirada maaliyadda dowlad goboleedyada dalka, kaas oo ugu dambeyn lagu kala kacay.

Shirkan ayaa la sheegay inuu qabsoomi doono ka hor Arbacada, gaar ahaan inta uusan madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud u safrin magaalada caasimad ah ee Nairobi

Leave a Reply

Your email address will not be published.