FAALLO : Madax is diidan oo isku arakaya shirka Muqdisho ka furmaya.

FAALLO : Madax is diidan oo isku arakaya shirka Muqdisho ka furmaya.

Muqdisho ( Raxanreeb ) Magaalada Muqdisho waxa ay marti galinaysaa Shirka Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada oo lagu gorfayn doono qodobo dhawr ah oo loo arko in ay muhiim u yihiin wada – shaqayn dhaxmarta Dowladda Dhexe & Maamulada.

Shirkan oo qorshuhu ahaa in uu ka furmo magaalada Garoowe ayaa loo soo wareejiyay Magaalada Muqdisho sida uu dalbaday Madaxwaynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ka dib safarkii uu ku tagay magaalada Garoowe ee Puntland.

Waxa uu daba socdaa shirkan ka furmay Muqdisho markii uu – mira dhali waayay shirka Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya iyo kuwa maamul- goboleedyada ee ka soconayay caasimadda maalmo badan , kaas oo aan ka soo bixin wax natiija ah.

Shirkan waxaa isku arki doona Madax is diidan , isla khilaafsan , kala aragti duwan , oo la leeyahay waa ay adag tahay in la isku keeno dhamaan tabashooyinka la wada qabo inkastoo qodobo uun ay isku raaci doonaan gaba-gabada.

Madaxwaynaha Koonfur Galbeed waxaa uu aad u diidan yahay in Wasiirka Cadaalada loo magacaabo Mukhtaar Roobow , isaga u arka in talaabadaas aan lagala tashan waxaa uu ka mid ahaa Cabdicasiis Laftagareen xubnihii ka qayb qaatay in Roobow laga soo xiro magaalada Baydhabo ee gobolka Baay.

Ka dib magacabistiii Roobow waxaa aad u xumaa xiriirka uu la lahaa Madaxwaynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Laftagareen Dowladda Dhexe isagoo ka mid ahaa Madaxdii aadka isugu dhawaayeen Madaxwayihii hore Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ee doorashada loogu adkaatay.

Madaxwaynaha Maamulka Jubbaland Axmed Madoobe ayaa shirkan ka qayb galaya isagoo samaystay muddo kordhin loo arki karo mid dhabaha u furi karta maamul goboleedyada kale waxaana talaabadaas ka dhashay guux siyaasadeed in kastoo Dowladda aysan ka hadlin weli hase ahaatee waa caqabad kale oo ay wajihi doonto Dowladda Madaxwayne Xasan Sheekh.

Maamulka Goboleedka Hirshabeelle oo ay ku furan yihiin dagaalo ayaa ka qayb galkooda loo arkaa mid aan lahayn culays siyaasadeed , waxa ayna Dowladda u aragtaa in maamulkaas loo jihayn karo hadba dhinac maadaama , uu la liicayo mucaarado ka dhashay awood qaybsiga beelaha ee Gobolada Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe lagu daray qulqultooyinka Al- Shabaab.

Puntland oo aan dab yar shidaynin ayaa shirkan qayb ka ah , waxaana miiska fariisan doono Madaxwayne Saciid Deni oo weli ka gadoodsan in Madaxwaynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud uu uga baxo balanqaadkii ahaa in Puntland guusha Xasan Sheekh ka dib ay heli doonaa Ra’iisulwasaare.

Axmed Qoorqoor oo si aad ah u difaacayay shan sanno ka hor maamulkii Madaxwayne Maxameed Cabdullaahi Farmaajo , wax badana ay kala tabanayaan Madaxwayne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa la rumaysan yahay in shirkan uu ku soo bandhigi doono sida ay tahay in loo wajaho isbedelka dhacay waxaana la hadal – hayaa inuu qaadi doono talaabo la mid ah , tan uu qaaday Madaxwaynaha Jubbaland Axmed Madoobe.

Shirkan inta uu socdo waxaa intiisa badan harayn doona , sidii loo xalin karo wax kasta oo tabasha ah oo jira , iyo sidii loo wada shaqayn lahaa , waxaana dadka odorosa siyaasada ay leeyihiin Dowladda waxa ay wajahi doontaa caqabad siyaasadeed oo kaga imaan doonto dhinac maamul goboleedyada.

W.Q Hanad Ali Guled.

Leave a Reply

Your email address will not be published.