Guddoomiyaasha degmooyinka oo lagala tashaday sidii ay Mushahar u heli lahaayeen

Muqdisho (Raxanreeb) — Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa wadashaqeyn ka dalbaday mas’uuliyiinta Degmooyinka, Ciidanka Ilaalinta Deegaanka & Xubnaha kale ee shaqo wadaagga ay yihiin.

Yuusuf Madaale ayaa wadashaqeyntooda ku xiray in lagu dardargelin karo horumarinta Degmooyinka Gobolka Banaadir si loo xoojiyo adeegga Bulshada ay wakiilka uga yihiin mas’uuliyiintaan waa sida uu hadalka u dhigay Duqa Muqdisho.

Dadka ka shaqeeya Degmada ayuu sheegay in ay u baahan yihiin Mushahar taasina lagu heli karo marka lala shaqeeyo Ciidamada ilaalinta deegaanka oo si gaar ah ugu xilsaaran uruurinta lacagaha canshuurta.

“Wixii tegay in la iska cafiyo ayaa la rabaa oo horay looga socdo oo wadashaqeyn laga shaqeeyo maxaa yeelay ‘Midigey bidix maka maarantaa sooma ahayn’ Agaasimow Degmo kama maarantid, Degmooy Agaasime kama maarantid, Ciidanka Ilaalinta Deegaankow degmo kama maarantid waa shantaas farood ee isku xiran oo midba midka kale aanay ka maarmin ” Yuusuf Madaale Duqa Muqdisho.

“Guddoomiyaha Degmada Mushahar ayuu rabaa, Dadka ka shaqeeya Mushahar ayay rabaan, xaggee ka keenayaan dakhliga ninka loo diray haddii aan lala shaqeyn, Ciidanka Ilaalinta Deegaanka haddii inta la kuus-kuuso ee bac inta lagu rido gadaal la dhigo yaa shaqada qabanaya, Annaga Ciidankeena ilaalinta deegaanka waan ku faaneynaa, iyagana waxa aan leeyahay isasoo gaarsiiya meel la idinku faani karo” ayuu hadalkiisa sii raaciyay Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho.

Yuusuf Madaale, ayaa hadalkaan ka jeediyay shirka Banbaxa ee ay ka qaybgaleen dhammaan mas’uuliyiinta maamulka Gobolka & shaqaalaha oo diiradda lagu saaray xoojinta wadashaqeynta ka dhaxeysa.

Leave a Reply

Your email address will not be published.