DF oo shaacisay tirada Akoonnada iyo lambarada laga xiray Al-Shabaab

Muqdisho (Raxanreeb) — Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya Cabdiraxmaan Yuusuf Al-Cadaala oo barbar taagan yihiin Wasiirka Maaliyadda iyo Wasiiru-dowlaha Amniga ayaa shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho, kaasi oo ugu warbixiyay halka uu marayo dagaalka dhaqaale ee Al-Shabaab ka dhanka ah.

Wasiir Al-Cadaala ayaa sheegay in natiijo fiican laga gaaray dagaalka dhaqaale ee dowladda kula jirto Al-Shabaab, lana xayiray 250 Akoon iyo 70 Lambar oo kooxda u adeegsan jirtay “ku baadista shacabka” sida uu sheegay.

“In ka badan 3kun oo kamid ah muwaadiniinta Soomaaliyeed ayaa lasoo xiriiray dowladda (lambaradii hore loo baahiyay) kuwaasi oo usoo gudbiyay xogo ku aadan dhaqaalaha Khawaarijta ay sida xooga ah uga aruursaneysay dadka Soomaaliyeed,” ayuu yiri.”

“Natiijada horudhaca ah waxay suurta-galisay in la xayiro 250 Akoon, waxa sidoo kale macluumaadka ka yimid dadka Soomaaliyeed uu suurta-galiyay in la xanibo 70 Telefoon oo ah kuwa loo arkayay in Khawaarijta ay u isticmaaleysay lacagaha sharci darada ah ee ka boobto dadka.”

Sidoo kale waxa uu sheegay in weli uu socdo kala shaandheynta macluumaadka ay usoo gudbiyeen dadweynaha Soomaaliyeed, kadibna ay marsiin doonaan nidaamka loogu tala-galay in lagu qaado tallaabooyinka sharciga ogol yahay.

“Dowladda Soomaaliya waxay markale u mahad-celinaysa shacabka Soomaaliyeed, waxayna weydiisaneysa inay sii wadaan la shaqeynta ay la-shaqeynayaan hay’addaha, iyaga oo macluumaadkooda kusoo diraya telefoonadii hore loola wadaagay.”

Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa 23-kii bishii October ee sanadkii hore soo saartay digniino ku saabsan joojinta la macaamilka dhaqaale ee Shabaab, oo dagaal culus uga socdo qeybo kamid ah dalka

Dowladda ayaa xiligaas la wadaagtay dadweynaha lambaro ay ugu tala-gashay in shacabka Soomaaliyeed kula soo wadagaan xogaha ku saabsan “haddii ay arkaan dhaqaale Shabaab loo qaadayo ama ay qaadanayaan, nooca uu doono ha ahaade.”

Leave a Reply

Your email address will not be published.