Guddoomiye degaan oo  Sh.Dhexe ah oo loo xiray ku lug lahaanshaha dil- wadareed ka dhacay Sh.Dhexe.

Warsheekh ( Raxanreeb ) Wararka RBC uu ka helayo degmada Warsheekh ee gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa sheegaya in xabsiga la dhigay Guddoomiyaha  deegaanka Ceelmacaan Faarax Kuulow.

Waxaa lagu soo waramayaa in Guddoomiyaha xarigiisa uu gacan ka gaystay Guddoomiyaha Degmada Warsheekh ee gobolka Shabeellaha Dhexe Xasan Darafay.

Xarigga Guddoomiyaha Ceelmacaan Faarax Kuulow ayaa la sheegay inuu salka ku hayo eedeyn la xiriirta ku lug lahaanshaha dil- wadareed dhawaan ka dhacay deegaano ka tirsan Ceelmacaan.

Guddoomiyaha deegaanka  Ceelmacaan ayaa la xaqiijiyay in lagu hayo Godka- Jilicow ee magaalada Muqdisho , sida ay sheegeen masuuliyiin ka tirsan maamulka gobolka Shabeellaha Dhexe.

29 November 2022 ayay ahayd markii Saddex ruux oo hal qoys ah oo haween iyo carruur isugu jira aano qabiil loogu dilay Tuulada Xaluule oo hoos tagta Warsheekh ee Shabeellaha Dhexe.

Dadka la dilay ayaa magacyadooda lagu kala sheegay Safiya Sheekh Abuukarow, ayeeydeed Sangaabo Maxamuud Xuseen iyo walaalkeed Abuukar Iidow, halka dalka wax-yeelladu gaartay uu ka mid yahay abtigeed Sheekh Muxamed Sheekh Cabdi Celi.

Leave a Reply

Your email address will not be published.