Sababta loo xanibay Jaadka iyo khilaafka taagan oo laga hadlay & eedeyn loo jeediyay ganacsatada.

Muqdisho (Raxanreeb ) Dowladda Federaalka  Soomaaliya ayaa  gacansatada qaadka ku eedaysey in ay diiden canshuurta qaadka oo lagu saleeyey kiilo Garaamka culeyska sida lagu sheegay warsaxafadeed ay soo saartay maanta oo Khamiis ah.

Wasaaradda Maaliyadda Soomaaliya ayaa soo saartay khilaafka ka dhashay canshuuraha khaadka ee sababay in maanta wax qaad ah laga waayo Suuqyada magaalada Muqdisho.

Khaadkii  maanta laga keenay  dalalka Itoobiya iyo Kenya ayaaa  caawa ku barinaya  garoonka Aadan cadde ee Muqdisho , sabab la xiriirta khilaafka arintan ka dhalatay.

“Waxaa nasiib darro ah in maanta Ganacsatada gaadka ka ganacsata ay diideen in ay Dowladooda kala shaqeeyaan sidii ay u bixin lahaayeen canshuurtii sharciga ahayd ee lagu saleeyay cabbirka kilogaramka ” ayuu lagu yiri warsaxafadeedka ka soo baxay Wasaaradda Maaliyadda Soomaaliya

HOOS KA AKHRISO QORAALKA WASAARADA.

Leave a Reply

Your email address will not be published.