Midowga Afrika oo magacowday Ergayga cusub Soomaaliya

Midowga Afrika oo magacowday Ergayga cusub Soomaaliya

Raxanreeb (Adis-Ababa ) Ururka Midowga Afrika ayaa Soomaaliya u soo magacaabay ergay cusub, kaas oo bedelaya danjirihii hore , kaas oo laga eryay dalka, Mohamed Al-Amine Souef oo u dhashay dalka Comoros.

Mohamed Al-Amine Souef ayaa waxaa uu badalay Francisco madeira, kaas oo dalka looga eryay warqad 7-dii April 2022 uu soo saaray Maxamed Xuseen Rooble Ra’iisukwasaarihii hore.

Ka hor magacabistiisa Soomaaliya Ambassador Souef waxa uu ahaa Madaxa Xafiiska Gobolka Gao ee Hawlgalka Xasilinta Isku-dhafka ee Qaramada Midoobay ee dalka Mali.

“Isaga oo gudanaya waajibaadkiisa, Danjire Souef wuxuu sii wadi doonaa xiriirrada dhow oo joogto ah oo uu la yeesho dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya iyo daneeyayaasha kale ee Soomaaliyeed ee taageeraya hirgelinta Qorshaha Kala-guurka ee Soomaaliya ” ayaa lagu yiri war ka soo baxay midowga Afrika.

Xukuumadii Ra’iisulwasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa eedeeysay inuu ku xadgubay doorashada, xilligaas uu mas’uul ka ahaa Ra’iisulwasaare daadihinteeda.

Leave a Reply

Your email address will not be published.