‘’Haan gunbay ka Tolanta ‘’ | Ciidan anshax xun oo jooga saldhigyada Muqdisho

‘’Haan gunbay ka Tolanta ‘’ | Ciidan anshax xun oo jooga saldhigyada Muqdisho

Muqdisho (Raxanreeb ) Dowladnimada kama sixi karno xafiisyada sare ee wa  in aan ka bilowno dib u tayeynta saldhigyada degmooyinka (Oobiyada) ,maamullada degmooyinka ,laan ,waax ilaa tabbeelle. Maxkamadaha degmooyinka oo shacabka ugu adeega garsoor ku qottoma caddaalad  IWM.

Waxaan tagay saldhig boolis . Waxaan la yaabay sarkaalka Oobiga qorayay iyo askari kale oo aan lebisneyn waxa ay qolka ku dhex cabayeen sigaar ,xilli ay kiis dacwo ah diiwaan galinayeen . Dadka is dacweynaya waxa ku jiray hooyo dhabarka ku sidata canug yar . Qaab darrada meesha muuqata waa fajaceysaa .

Taliyaha cusub ee Booliska General Sulub Axmed Firin waa nin dhalinyaro ah oo magaaldan wax badan ka soo shaqeeyay waxaan ka codsan lahaa in intii karaankiisa ah oo wax ka badal ku sameeyo habka shaqooyinka saldhigyada .

Diiwaan weyn in wax lagu qoro adduunka casriga waa ka tagay. Saldhigga dhexdiisa ayaa EVC lagu kala tuuranaa . Bixiyihii ayaa weydiinaya oo leh taliye ma heshay lacagtii? Markaasuu leeyahay waa kaa hayaa.

Ujeedkeygu ma ahan in aan suurad xumeynayo ciidankeenna oo aan xaqiiqdii dartood ku seexanno ee waxeey Iga tahay niyad wanaag iyo wax aan toosinno. Isbaddal aya jira marka la eeego halkaan ka nimid,waxaanse u baahannahay isbadal weyn.

Leave a Reply

Your email address will not be published.