MUQDISHO : Gaari lagu qarxiyay magaalada Muqdisho & khasaaraha jira

Muqdisho (Raxanreeb ) Warara kala duwan ayaa ka soo baxaya qarax maanta oo Khamiis ah ka dhacay degmada Xamarwayne ee magaalada Muqdisho.

Qaraxa oo jugtiisa laga maqlay xaafado ka tirsan Muqdisho ayaa si gaar ah uga dhacay agagaarka isgoyska Via Roma ee degmada Xamarweyne.

Saraakiisha Dowladda ayaa sheegay in gaariga la qarxiyay uu ahaa mid shacab ah isla markaana aan ogayn sababaha loo beegsiga

Xaaladda goobta ay wax ka dhaceen hadda waa ay degan tahay waxaana dib loo furay wadada oo la xiray qarax ka dib.

Magaalada Muqdisho waxaa ka dhacaya maalmahanba dilal iyo qaraxyo masuuliyooda ay sheegteen kooxda Al- Shabaab oo sanado badan dagaal kula jira Dowladda.

Leave a Reply

Your email address will not be published.