Halka uu marayo howlgalka Sh.Dhexe & mid kale oo  ka bilaabanaya KGS.

Muqdisho )Raxanreeb ) Ciidanka Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kooxaha macwiilayda ayaa kuwaas oo dhawaan gaaray deegaano ka mid ah Shabeellaha Dhexe ayaa bilaabay  howlgalo ka dhan ah Al- Shabaab.

Ciidankan waxaa gacan siinaya sida wararka aan helayno ay sheegayaan kooxaha kacdoonka kuwaas oo iyagana is abaabulay si ay uga hortagaan kooxda Al- Shabaab.

Waxaa lagu soo waramayaa in ciidanka hadda ay ku wajahan – yihiin deegaano shabeellaha Dhexe ay kaga sugan yihiin kooxda Al- Shabaab.

Saraakiil ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa horkacaya  howlgalkan sida ay sheegayaan xubno ka mid ah Dowladda.

Ciidanka Dowladda iyo kooxaha kacdoonka ayaa maalmo ka hor Al- Shabaab waxa ay ka saareen deegaanka Xawaadlay halkaas oo muhiim ah u ahayd kooxda Al- Shabaab.

DHANKA KALE :

Magaalada Muqdisho waxaa  siyaasiin ka soo jeeda  koonfur galbeed ay kaga dhawaaqeen howlgal ka dhan ah Al- Shabaab kaas oo ay ka  bilaabayaan deegaanada Al- Shabaab ay kaga sugan yihiin Baay iyo Bakool.

Leave a Reply

Your email address will not be published.