Aadan Madoobe muxuu ku arkay xarunta Hay’adda ka Hortaga Nuclear-ka ?

Luxemburg  (Raxanreeb ) Guddoomiyaha Golaha Shacabka Sheekh Aadan Maxamed Nuur ayaa booqasho ku tagay Hay’adda ka Hortaga Tijaabada Nuclear-ka (CTBTO) oo ah hay’ad ay ansixiyeen 1996kii Golaha Guud ee Qaramada Midoobay .

Guddoomiyaha ayaa sharraxaad laga siiyey faaidooyinka ay ka heli karto Soomaaliya oo laga tilmaamay in digniinadda tsunnaamiga iyo xogaha ku saabsan shucaaca iyo wasakhda hawada ee ay sababto tijaabada nuclear-ka iyo sidii looga badbaadi lahaa.

‘’ Waa  talaabo aad u wanaagsan oo loo qaaday xagga nabad galyada Caalamka xarunta , waan bogaadinayaa howlwadaneeda xaruntan ‘’ ayuu  yiri Guddoomiyaha Golaha Shacabka Sheekh Aadan Maxamed.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa boggaadiyey sida ay u socoto shaqada hay’addan isla markaana sheegay in hay’addaan muhiim u tahay badbaadada adduunka iyo ka hor taga waxyeelada nuclear ka.

DHANKA KALE :

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Sheekh Aadan Maxamed Nuur Madoobe ayaa la kulmay Guddoomiyaasha Baarlamaannada Waddamada Netherlands, Belgium, Austria & Luxemburg oo ay kawada xaajoodeen xoojinta xiriirkooda.

Leave a Reply

Your email address will not be published.