Heshiis horudhac ah oo laga gaaray dagaal beeleed ka socday Sh.Dhexe.

Cadale ( Raxanreeb ) Xabad joojin horu dhac ah oo laga gaaray dagaal beeleed kii ka dhacay Shabellaha Dhexe.

Waxa soconayay labadii maalin ee u danbeeyay dadaallo lagu doonayay in xal nabadeed laga gaaro dagaal beleedkaas, kaas oo ugu danbeyn lagu guuleystay in xabad joojin lagu dhawaaqo.

Imaam Maxamed yuusuf  Imaanka Beesha Muddulood  oo hor kacaya dadaallada Nabadeed ee beelaha walaalaha ah lagu dhex dhex -dhax dhexaadinayo oo ku sugan shabeellaha dhexe isaga iyo , odayaaha dhaqanka  iyo saraakiil ciidan ayaa suuragaliyay in uu dhaqan galo xabad joojintaas.

Xubno ka mid ah maamulka Shabeellaha dhexe ayaa sheegay in talaabadan ay tahay mid horseedi karta in nabad ay ku wada- noolaadaan beelaha walaalaha ah ee ku nool gobolka Shabeellaha dhexe.

Si kasta dagaalka beelahan ayaa saameyn sidoo kale ku yeeshay inta uu socday dadaalada lagu doonayo in Ururka Al- Shabaab lagaga saaro deegaananad gobolka Shabeellaha Dhexe.

Leave a Reply

Your email address will not be published.