Mareykanka ‘”10 Milyan oo Doollar ayaa la siinayaa cidii keenta xogta seddax sarkaal oo ka tirsan Al- Shabaab”

Mareykanka ‘”10 Milyan oo Doollar ayaa la siinayaa cidii keenta xogta seddax sarkaal oo ka tirsan Al- Shabaab”

Nairobi (Raxanreeb ) Dowladda Mareykanka ayaa  sheegtay in 10 Million oo dollar u ballan qaadday ciddii keenta Macluumaad sahlaya helida saraaki sar sare oo ka tirsan kooxda Al- Shabaab.

Xubnaha farta lagu fiiqay ee abaalmarinta lacagtaas dhan ayaa ah seddax horjooge oo kala  oo kala ah Axmed Diiriye, Jehad Mustafa iyo Mahad Karatee.

Saraakiil ka tirsan Dowladda ayaa soo gudbisay goobaha ay sheegtay in lagula wadaagi karo macluumaadka ay raadineyso ee ah saddexda sarkaal katirsan kooxda Al – Shabaab  & Xogaha kale ay rabto in ay ku bixiso abaalmarinta.

Shir jaraaid oo ay ku qabteen safarada maraykanka ee dalka kenya safiirka dowlada mararkanka u fadhiya dalka soomaliya lary adnre iyo sido kale safiir kuxigeenka safarada maraykanka ee dalka kenya marcy dilard ayey ku shaaciyeen lacagtan abaalmarinta ah ee la dul dhigay madaxa saraakiishaas.

“Ma haysaa xogta Diiriye, Karate ama Mostafa? Fadlan ka qayb qaado qorshaha lagu raadinayo helista abaalmarin dhan $10,000,000 (Toban Milyan oo Doollar) haddii ay suuragal tahay” sidaasi waxaa lagu yiri war kasoo baxay Mareykanka.

Dhanka kale safiir ku-xigeenka Safaaradda Maraykanka ee Kenya ayaa sheegay in Dowladda Maraykanka ka caawinayso Dowladda soomaliya ciribtirka kooxda Al- Shabaab.

Leave a Reply

Your email address will not be published.