Heshiis qaybyo ah oo laga soo saaray Shirkii Wasaaradda Maaliyadda DF & DG

Muqdisho ( Raxanreeb ) Wasiirada Maaliyadda maamul goboleedyada iyo Wasiirka Maaliyadda DFS ayaa heshiis ka gaaray mad madowgii soo kala dhexgalay.

Shir ka socday maalmo badan magaalada Muqdisho ayay dhinacyada isku raaceen in meesha laga saaro dhamaan Khilaafyada ka dhax jira wasaaradda maaliyadda iyo kuwo maamul goboleedyada .

Qodobada la shaaciyay in isku raacay waxaa ka mid ah in la xoojiyo wada shaqaynta labada dhinac isla markaana ay noqdaan kuwo joogta ah kulamada turxaan bixinta.

Sidoo kale waxa la isla afgartay in aan marnaba la siyaasadeen arrimaha maaliyada taas oo keeni karta dhaawac dhanka dhaqaalaha dalka.

In laga qayb qaato dhamaystirka hanaanka dayn cafinta ayay dhinacyadu hoosta ka xariiqeen , qodob kale ee ku jira ee la isku hayay ayaa la sheegay in kabka Banka aduunka 50% loo isticmaalo horumarinta arrimaha bulshada.

Sidoo kale waxaa la sheegay in qoondada 50 % ee yabooha loo yaqaabo DPO 2 si madax banaan ay u isticmaalo hase ahaatee xisaab xir iyo warbixin maaliyeed looga samaynayo.
Waxaan lagu balamay in bisha November la isku yimaado shir kale oo lagu falanqayn doono inta ka dhiman Heshiiska.

HOOS KA AKHRISO.

Leave a Reply

Your email address will not be published.