HIIRAAN : Gargaar loogu tala galay ,Qoysas tabaalaysan oo la dhacay

HIIRAAN : Gargaar loogu tala galay ,Qoysas tabaalaysan oo la dhacay

Beledwayne (Raxanreeb ) Sida ay ku warameen dadka deegaanka koox hubaysan ayaa dhac u gaysatay raashiin la doonayay in  lagu samatabixiyo Qoysas saamayn ay ku yeelatay roobkii ka da’ay dalka.

Raashiinkan oo ay dirtay Hay’adda maareynta iyo masiibooyinka Qaranka ayaa ku sii jeeday deegaanada  gobolka Hiiraan , halkaas oo ay ka jirto masiibada ay sababeen , roobka ka da’ay.

Xildhibaan ka tirsan Barlamaanka Soomaaliya  ayaa sheegay inuu soo  gaaray warka ku saabsan in la dhacay raashiinkaas oo loogu tala-galay Qoysaska tabaalaysan.

Jeesow oo ka hor hadlayay kulankii maanta ee baarlamaanka ayaa shaaciyay i  50 baabuur oo dhawaan loo diray Hiiraan, isla markaana siday garagar lagu dhacay meel dhexe.

“Gargaarka la diray haba yaraatee ma gaarin dadkii loogu talagalay waxaa dhacday in duurka lagu kala tuurto 50-kii baabuur” ayuu yiri xildhibaan Daahir Amiin Jeesow.

Hay’ada maareeynta masiibooyinka ayaa dhawaan lagu eedayay inaysan si isku mid ah ula tacaalin gobolada ay ka jiraan dhibaatooyinka daadkku ay ku dhasheen.

Leave a Reply

Your email address will not be published.