Hoggaamiye Al- Shabaab ahaa kana tirsan Dowladda oo eed iska fogeeyay

Hoggaamiye Al- Shabaab ahaa kana tirsan Dowladda oo eed iska fogeeyay

Muqdisho (Raxanreeb ) In muddo ah waxaa soo baxayay warar ku saabsan in hoggaamiye hore Al- Shabaab ahna Wasiirka Diinta & Awqaata Mukhtaar Roobow u lunsaday hanti dadwayne.

Wasiir Roobow oo munaasabad bandhiga ah ku samaystay  magaalada Muqdisho ayaa sheegay in aan waxba ka jirin warka ku saabsan in konton Milyan oo doolar uu ku shubtay Akoonkiisa gaarka ah.

“Waxaad maqasheen wax badan wasiirkii akoonkiisa shan milyan oo dollar ayaa (ku jirta), horta wasiirku akoon ma leeyahay.. marka hore? mise ku jirta intaas? ayuu is weydiiyay Rooboow.

Wasiirka ayaa sidoo kale shaaca ka qaaday in sannadkan ay dadaal badan geliyeen howlaha Xajka, isla-markaana ay soo hartay lacag dhan illaa 9 Milyan oo dollar

Roobow wuxuu hoosta ka ka xariiqay inuu diyaar u yahay isla xisaabtan iyo xittaa in baaris lagu sameeyo Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta ee xukuumadda Soomaaliya.

Leave a Reply

Your email address will not be published.