Hoobiyaal lagu duqeeyay Muqdisho ugu yaraan 15 qof ayaa ku dhaawacantay

Hoobiyaal lagu duqeeyay Muqdisho ugu yaraan 15 qof ayaa ku dhaawacantay

Muqdisho (Raxanreeb) Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya khasaaraha ka dhashay hoobiyeyaal saaka lagu garaacay qaar ka mid ah degmooyinka gobolka Banaadir, kuwaas oo geystay khasaare isugu jiro dhimaasho, dhaawac iyo burbur intaba.

Hoobiyeyaasha oo gaarayey illaa saddex madfac ayaa waxaa lagu soo warramayaa in lagu garaacay xaafado ka tirsan degmooyinka Xamarweyne & Boondheere ee gobolka Banaadir.

Wararka ayaa sheegaya in madaafiicda qaar ay ku hoobteen guryo ay daganaayeen dad shacab ah oo uu khasaare kasoo gaaray weerarkan loo adeegsaday hoobiyeyaasha.Ilo dadka deegaanka ah ayaa innoo sheegay in hoobiye ku dhacay xaafadda Casa Italia ee degmada Xamarweyne ay ku dhinteen 3 qof, sidoo kalena ay ku dhaawacmeen 15 kale.

Sidoo kale waxaa agagaarka Iskuulka Wiilwaal ee degmada Boondheer ku dhacay hoobiye kale oo ay ku dhaawacmeen illaa 4 qof, halka hoobiyaha saddexaadna uu ku dhacay agagaarka Taalada Daljirka Daahsoon, kaas oo la soo wariyey in uusan geysan khasaare.Xaaladda ayaa haatan ah mid deggan, balse ciidamada ammaanka ee dowladda bilaabay howlgallo baaritaano ah oo lagu baadi goobayo kooxihii ka dambeeyey weerarkaasi.

Dhowaan ayey aheyd markii weerar kan la mid ah uu ka dhacay Xamarjajab, kaas oo ay ku dhaawacmeen illaa 20 qof oo ay madaafiicda ug tegeen guryahooda, xilli ay hurdayeen.Si kastaba, magaalada Muqdisho ayaa waxaa maalmihii u dmabeeyey ka dhacayey falal ammaan darri oo isugu jiro dilal, qaraxyo & weeraro uu ugu dambeeyey kii Hoteel Xayaat.

Leave a Reply

Your email address will not be published.