Caruur & Hooyooyin ku geeriyooday Hoobiyaal lagu garaacay  Muqdisho.

Caruur & Hooyooyin ku geeriyooday Hoobiyaal lagu garaacay  Muqdisho.

Muqdisho (Raxanreeb ) Tiro madaafiic ah ayaa subaxnimadii saaka lagu weeraray Xaafado ka agdhaw Madaxtooyada Soomaaliya, iyada oo la soo warenayo in ay ka dhasheyn qasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo sababay Madaafiicda lagu weeraray.

Hoobiyayaasha oo gaaray ilaa dhowr xabo ayaa ku dhacay agagaarka madaxtooyadda Soomaaliya,halka kuwa kalana ay ku dhaceyn guri dad shacab ay jiifeen oo ku yaala Degmadda Xamar Weyne ee Gobolka banaadir.

Mid ka mid ah Hoobiyeyaashan ayaa ku dhacay guri ku yaala xaafadda Casa Italia ee Degmada Xamar weyne, hal ruux ayaa ku geeriyooday waxaana ku dhaawacmay saddex kale.

Degmooyinka kala ah Waaberi, Boondheere, Xamarweyne iyo Shingaani oo ka wada tirsan Gobalka Banaadir ayaa lagu soo waramayaa in ay ku soo dhaceyn tiro Madaafiic ah, oo laga maqlay qaybo ka mid ah magaalada Muqdisho.

Warar kale ayaa sheegaya in hoobiye ku dhacay Masaajid ku yaala xaafadda Busley ee degmada Boondheere uu hal qof ku dhaawacmay.

Ma jirto cid sheegatay mas’uuliyadda wararkan, inkasta oo Al-Shabaab ay inta badan sheegato mas’uuliyadda weerarrada noocan ah oo ka dhaca Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya.

Si kastaba, magaalada Muqdisho ayaa waxaa maalmihii u dmabeeyey ka dhacayey falal ammaan darri oo isugu jiro dilal, qaraxyo & weeraro uu ugu dambeeyey kii Hoteel Xayaat.

Leave a Reply

Your email address will not be published.