Dhuusmareeb (Raxanreeb ) Ciidanka Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa deegaanka ayaa maanta oo Khamiis ah howlgal ka wada deegaanka Wabxo iyo deegaanada – kale ee hoos yimaada.
Saraakiil ka tirsan Dowladda ayaa sheegay in howlgalka u jeedkiisu yahay bacsashada kooxaha Al- Shabaab oo ay tilmaameen in muddo dheer dhibaato ay ku hayaan shacanka Soomaaliyeed.
Waxa ay ku warameen in sidoo kale ciidanka gacanta ay ku hayaan shaqsiyaad ka tirsan kooxda Al- Shabaab oo ay ku qabteen dagaalkii ka dhacay deegaanka Wabxo.
Saraakiisha howlgalka hoggaamineysa ayaa sheegay inay ka go’an tahay in degaannada kale ee hoostaga degmada Ceelbuur ka saaraan Al-Shabaab.
Leave a Reply