Howlgalo teel teel ah oo ka socda Mudug & Galgaduud – ma gaabis ayaa jira

Howlgalo teel teel ah oo ka socda Mudug & Galgaduud – ma gaabis ayaa jira

Dhuusmareeb (Raxanreeb ) Ciidanka Dowladda Soomaaliya ayaa howgal teel teel ah ka fuliyay deegaano ka mid ah gobolada Mudug iyo Galgaduud ee bartamaha dalka.

Saraakiil ka tirsan Dowladda ayaa sheegay in howlgaladan u jeedkooda uu yahay sidoo loo sugi lahaa amniga deegaanada maamulka Galmudug oo ay ka socdeen howlgalo ay ku sugayaan amniga.

Waxa lagu soo waramayaa in ay hakad galeen inta badan howlgaladii xooganaa ee ka socday deegaano ka mid ah gobolada Mudug iyo galgaduud ilaa iyo hadda lama sheegin sabab taas ay ku dhacday.

Maamulka Galmudug kol hore waxa uu sheegay in ay socdaan howlgalada ka dhanka ah kooxda Al- Shabaab isla markaana ay la wareegeen deegaano ka mid ah maamulkaas.

Dadka odorasho arrimaha amniga ayaa sheegaya in sidii hore aysan ahayn howlgalada oo markii hore xoog ay ku bilowdeen hase ahaatee taas aysan muuqaan .

Arintan ayay sal uga dhigayaan ka dib markii ay soo baxeen war ku saabsan in ciidanka qaarkood qaab beel ahaan ah ay uga soo baxeen howlgalka oo ujeedkiisu ahaa in la jabiyo Al- Shabaab.

Madaxwaynaha Dowladda Soomaaliya oo dhawaan ka soo laab- laabtay degmada Dhuusmareeb ayaa la sheegayaa in hormuud maadama uu ahaa taas ay keentay in howlgaladu gaabaabsi ay noqdaan
Sidoo kale waxaa aad loo sheegaa in markii horeba howlgaladan ay ahaayeen kuwa aan loo dejin qorshe inkastoo ay wanaagsan tahay in lala dagaalamo kooxda Al- Shabaab ayay leeyihiin falanqeeyayaasha.

Leave a Reply

Your email address will not be published.