Hubaal la’aan ka taagan deegaanka Yasooman ee Hiiraan.

Beledwayne (Raxanreeb ) Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in dagaal ka dhacay deegaanno ka mid ah gobolka Hiiraan ay ku dileen xubno ka mid ah Al- Shabaab.

Dagaalkan ayaa sida la sheegay billowday kaddib markii ciidamo ka tirsan Al-Shabaab weerareen saldhig ay fadhiyeen ciidamada dawladda iyo kuwa deegaanka oo ku yaalla Yasooman.

War ka soo baxay Dowladda maanta oo Arbaca ah ayaa lagu sheegay in ciidanka Dowladda Soomaaliya howlgal gaar ah oo ay ku qaadeen kooxda Al – Shabaab ay ku dileen 20 ka mid ah kooxda Al- Shabaab.

Dowladda Soomaaliya ayaa dhankeeda waxa ay sheegtay in dagaal ka dhacay Yasooman oo ka mid ah gobolka Hiiraan ay kaga dhinteen , saddex askari .Al-Shabaab ayaa iyadu dhinaceeda sheegatay inay khasaare culus u gaysatay ciidanka dawladda.

Ma jiraan ilo madax bannaan oo xaqiijinaya cidda gacanta ku heysa Yasooman oo dhawaan ay la wareegeen kooxaha kacdoonka Hiiraan iyo Ciidanka Xoogga Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Ciddanka Dowladda iyo kuwa degaanka ayaa xoogga saaray degaanka Jicibow oo dhawaan ay dagaallo xooggan ka dhaceen.

Isniintii ayay aheyd markii milateriga Soomaaliya uu sheegtay in deegaanka Jicibow oo qiyaastii 30km waqooyi uga beegan Buulo-urde ee gobolka Hiiraan, ay ku dileen hoggaamiye ka tirsanaa ururka Al-Shabaab.

Leave a Reply

Your email address will not be published.