Ilaalada RW Xamse oo rasaas ku furay taageeriyaal – Maxaa ka dhacay Garoonka Cayaaraha Muqdisho ?

Ilaalada RW Xamse oo rasaas ku furay taageeriyaal – Maxaa ka dhacay Garoonka Cayaaraha Muqdisho ?

Muwdisho ( Raxanreeb ) Qaar ka tirsan dadkii garoonka banaankiisa joogay ee doonaayay in ay gudaha galaan ayaa rasaas ooda looga qaaday.

Ilaalada Ra’iisulwasaare Xamse Cabdi Bare ayaa rasaas dadka ku furay sida ay sheegayaan dadkii mashaqada la kulmay oo warbaahinta la hadlay.

Gudaha Garoonka waxaa ku sugan tiro yar waxaana dadku ay buux dhaafiyeen banaanma hore waxaana kala badan dadka soo xaadiray iyo goobaha Tikidka laga iibsanayo .

Waxa gabi ahaanba shaqayn waayay App Wasaarada cayaaraha ay sheegtay in laga daawan doono cayaaraha gobolka Banaadir iyo maaamul goboleedyada sabab la xiriirta nidaam xumo .

Wasaarada cayaaraha xukuumadda Soomaaliya ayaa lagu dhaliilay habka ay u maaraynayso cayaaraha gobolada iyo gobolka Banaadir oo liita

Ra’ iisulwasaare Xamse oo furi lahaa cayaaraha ayaa ilaaladiisa oo ay ku adkaatay in gudaha au galiyaan bilaabay in rasaas ay ku furaan taageeriyaal kumaan gaaraya oo ku sugnaa banaanka Garoonka.

Leave a Reply

Your email address will not be published.