Caqabadaha ku hor gudban shirka u socda Somalia & Somaliland.

Caqabadaha ku hor gudban shirka u socda Somalia & Somaliland.

Magaalada Jabuuti waxaa isugu tegey wufuud ay hogaaminayaan madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo madaxweynaha jamhuuriyadda iskeed ugu dhawaaqday madaxbanaanida ee Somaliland Muuse Biixi Cabdi, halkaasoo uu durba kulan uga billowday.

Bishii Juun sanadkii 2020-kii waxaa isla dalka Jabuuti ku shiray madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo madaxweyne Muuse Biix Cabdi, ayadoo markii la soo gabagabeeyay laga soo saaray qodobbo dhowr ah oo markaa dhinacyadu ku heshiiyeen.

Waxyaabihii lagu heshiiyay waxaa ugu muhiimsanaa dhowr qodob oo kala ahaa in laga wada shaqeeyo nabadgelyada labada dhinac, in aan la siyaasadayn dhaqaalaha iyo gargaarka bini’aamnimo ee caalamka, in la wada maamulo arrinta duulimaadyada hawada oo khilaaf ka taagnaa, iyo isku socodka bulsho ee labada dhinac.

Dadka falanqeeya arrimahan ayaa aaminsan in fulin la’aanta qodobadii hore loogu heshiiyay ay mar walba noqon karto caqabadda ugu weyn ee hortaagan gaarista hadafka laga leeyahay wadahadallada muddada jiitamaya.

Maxey u hirgali waayen qodobbadii ugu dambeyay ee lagu heshiiyay?

Saddex qodob ayaa ugu muhiimsanaa heshiiskii ugu dambeyay kuwaas oo kala ahaa wada-maamulidda hawada, wadaagidda deeqaha caalamiga ah iyo amniga.

Somaliland xilligaas waxay dalbatay in wax ka qabashada qodobbadaan ay sal u noqon doonaan in hore loogu socdo wadahadallada iyo ka gun-gaaristooda, waxaana arrintaas ay keentay in saddex guddi loo magacaabo si loo dharaandhiriyo arrinta, dhinacyaduna ugu qancaan. Isla wakhtigaas doodda dowladda federaalka ah waxay ahayd in isu socodka la isku furo oo siyaasiyiinta iyo dadka kaleba ay si xorriyadi ku jirto ugu safraan halka ay doonaan.

Cabdi Maxamuud Sabriye oo ahaa wasiirkii hore ee arrimaha gudaha oo wasaaraddiisu qabanqaabineysay wadahadalladaas ayaa sheegay in xilligaas oo ahayd bishii Juun ee sanadkii 2020-kii marka la isla fariistay cid walbana dooddeeda gudubsatay lagu ballamay in laba toddobaad kadib la isku yimaado guddiyadii seddexda ahaana ee aan kor ku soo xuneyna la isku keeno.

“Marka halkaa howshu maraysay waxaa soo kordhay xilligaas arrin aan horay loogu baraarugsaneyn, kana timid dhanka Somaliland sida muuqatana ku adkaatay dhanka dowladda federaalka Soomaaliya, taas oo ahayd in Somaliland ay diidday in guddiyada isu imaatinkooda la sugayay lagu soo daro cid ka soo jeedda waqooyiga” ayuu yiri Sabriye.

“Reer Somaliland waxay yiraahdeen saddexda guddi ha ku soo darinina qof ka soo jeeda Somaliland, haddaad ku soo dartaan ma soo galeyno gogoshaas,” ayuu yiri Cabdi Maxamuud Sabriye wasiirkii hore ee arrimaha gudaha dowladda Soomaaliya.

Haddii la dhaqan galin lahaa qodobbadii hore maxaa soo kordhi lahaa?

Waa su’aal dad badan ay is waydiinayaan isla markaana qof walba haddii uu aragtidiisa ku cabbiro si uun uu uga jawaabi karo.

Wasiir hore Cabdi Maxamuud Sabriye oo BBC-du su’aashaan waydiisay maadaama uu mar hormuud u ahaa qabsoomidda wadahadallada ayaa si kooban u bixiyay jawaab ah, “koley haddii wixii taagnaa markaas laga gudbi lahaa rajadu waxay ahaan laheed in loo gudbo wax kale oo la isku fahmo ama la isku diido”.

Aragtidaas mid aan wax badan kaga duwaneyn waxaa isna qaba Guuuleed Dafac , “kalsooni kaliya ayaa imaan lahayd marka heshiisyadii la gaaray la fuliyo, oo wuxuu gogal xaar u noqon lahaa kuwa dambe,”.

Hadda ma laga tillaabsan karaa qodobbadii horey loogu heshiiyay ee aan la fulin oo wax kale ma laga wada hadli karaa?

Qaar ka mid ah falanqeeyaasha arrimahan ayaa qaba in dhibaatada ugu weyn ay tahay in labada dhinac ee mar walba wada hadlaya oo ah madaxda Soomaaliya iyo Somaliland aaney ku dhicin in cid walba waxa ay rabto ay si aan ka leexleexad laheyn u wajahdo.

In gunta ujeedada aan loo dhaadhicin waa arrinta keenaysa mar kasta in aysan wadahadalladu miro dhal noqon. Marka loo yimaado in laga tillaabsado qodobbadaan oo labada dhinacba ku adkaatay markii hore waa arrin adag oo aan suurta gal aheyn.

Guuleed Dafac ayaa rumeysan in aan laga wadli karin arrimo kale iyadoon labada dhinac, gaar ahaan madaxweynayaashu aaney kulanka la imaan wax ay ku matalaan shucuubtooda oo go’aan kama dambeysa ah ay ka gaari karaan.

“Wax bisil miiska ha la yimaadaan oo madaxweynaha Soomaaliya dadkiisa ku mato madaxweynaha Somaliland-na shacabkiisa ku matali karo,2 ayuu yiri Guuleed.

Wasiir hore Cabdi Maxamuud Sabriye ayaa isagu qaba in qodobbadaan horey loogu heshiiyay ee aan la fulin ayba yihiin caqabad aan ogoleyn in heshiis dhab ah laga gaaro wahadallada Soomaaliya iyo Somaliland.

“Haddii hore loo socdo oo laga hadlo heshiis muhiim ah oo ama la kala tago ama la is qaato oo sidaa heshiis lagu gaari lahaa qodobbadaan meesha way ka bixi lahaayen” .

Wuxuu intaa ku daray Mr Sabriye in labada dhinac ee mar walba wadahadlaya aysan ku dhici karin in midba midka kale aqbalo waxa uu rabo oo go’aan sidaas aanu qaadan karin.

BBC Somalia

Leave a Reply

Your email address will not be published.