In ku dhaw boqol qof oo ku geeriyootay Markab ku degay badda Maditerranian-ka

In ku dhaw boqol qof oo ku geeriyootay Markab ku degay badda Maditerranian-ka

Roma (Raxanreeb )- 11 qof ayaa ku dhintay 64 kalena waa la la’yahay ka dib markii labo markab ay ku degeen Mediterranean-ka ee koonfurta dalka Talyaaniga, sida ay sheegtay hay’ad samafal oo Jarmalka laga leeyahay.

ilaalada xeebaha Talyaaniga iyo hay’adaha Qaramada Midoobay ayaa sidoo kale xaqiijiyay dhacdadan, ayadoo Kooxda Gargaarka Jarmalka ee gacanta ku haysa markabka badbaadada ee Nadiir ee ay sheegtay inay 51 qof ka soo qaadeen doon alwaax ah oo degtay, kuwaas oo ay ku jiraan laba qof oo miyir beelay, 10 mayd ah oo ku xayiran qaybta hoose ee markabkana ay heleen.

kooxdan samafalka ayaa war qoraal ah oo ay bartooda X ku daabeceen ku sheegtay in dadkii badbaaday lagu wareejiyay ilaalada xeebaha Talyaaniga oo subaxnimadii isniinta la soo qaaday, xilli markabka Nadiir uu ku sii jeeday jasiiradda Lampedusa, isaga oo jiidaya doonida alwaax ah iyo meydadka dadka dhintay.

Badda Mediterranean-ka ee u dhexaysa Yurub iyo Afrika ayaa ah marinka ugu weyn ee tahriibayaasha u tacabiraya dalalka reer galbeedka, balse waxaa halkaas ka dhaca shilal joogto ah oo ay kumanaan kuni ku naf waayaan.

Leave a Reply

Your email address will not be published.