Soomaalida ku nool Sudan oo u baahan in la soo daadgureeyo

Soomaalida ku nool Sudan oo u baahan in la soo daadgureeyo

Khartoum (Raxanreeb )Magaalooyin ka mid ah dalka Sudan waxaa ka soconaya dagaalka  xooggan oo sababay dhimasho iyo dhaawac , waxaana barbarsocdo barakac xooggan oo ay sameynayaan dadka u dhashay dadkaas iyo dadka ajaaniibta ah.

Sudan waxaa ku nool dad badan oo Soomaaliyeed oo ay ku jiraan arday waxbarasho u  joogta dalkaas oo dagaalo ay ka socdaan kuwaas oo hadda doonmaya in ay isaga baxsadaan dalkaas

Qaar ka mid ah ardayda Soomaalida ah ee sugan caasimadda Khartuum ee dalka Sudan, ayaa sheegay inay doonayaan inay dawladda Soomaaliya ka daadgurayso dalkaas.

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in dadaal ay ku bixin doonto sidii dalka Sudan loogu soo saari lahaa Soomaalida  halkaas oo ay wali dagaalo ay ka socdaan sida uu sheegay safiirka Somaaliya ee Sudan

Khasaaraha dhimashada dagaalka ayaa dhaafay 100 qof, sida laga soo xigtay kooxaha caafimaadka.

Leave a Reply

Your email address will not be published.