Tehran ( Raxanreeb Online) Iiraan waxay sheegtay inay sugayso jawaab rasmi ah oo ka timaadda wada-xaajoodayaasha Mareykanka, kaddib markii Madaxweyne Donald Trump uu diiday soo jeedin ahayd in Marinka Hormuz dib loogu furo maraakiibta ganacsiga muddo toddoba maalmood gudahood ah.
Qoraal uu ku baahiyey Telegram, wasiirka arrimaha dibadda ee Iiraan Abbas Araghchi wuxuu qiray in Trump uu diiday soo jeedinta, balse wuxuu madaxweynaha ku eedeeyay inuu hore u sheegay hadallo is khilaafsan.
Horay, Trump oo wariyeyaasha kula hadlay Aqalka Cad, wuxuuna sheegay in soo jeedinta Tehran aysan ahayn mid “la aqbali karo”, isla markaana ay doonayeen heshiis ay marinka isla markiiba ku furaan, sababtoo ah “si aad ah ayay dagaalka ugu khasaarayaan.”
Jimcihii, isaga oo jooga Qaramada Midoobay, Araghchi wuxuu wariyeyaasha u sheegay in heshiis la gaari karo haddii “shuruudaha lagama maarmaanka ah la buuxiyo” labada dal dhexdooda.
Araghchi wuxuu sheegay in shuruudaha lagu furayo marinku ay yihiin isla kuwii lagu daray heshiis is-afgarad ah oo dhexmaray Mareykanka iyo Iiraan, kaas oo la saxiixay bishii Juun.

Leave a Reply