Isbeddel Keeba Elizabeth Ka Danbeeya.?!

London (Raxanreeb ) Dalka Ingiriiska ayaa waxa ka dhici doona isbeddello badan ka dib markii Charles III uu la wareegay carshigii Boqortooyada Ingiriiska, Isaga oo beddelay hooyadiisi Elizabeth II ee dhawaan dhimatay.

Hadaba Isbeddeladan ayaa ku imaan doona magacyada xarumaha Dawlada Ingiriiska iyo kuwa Dalalka Barwaaqo-sooranka ah, Waxaa kale oo uu isbeddel ku dhici doona Lacagta qadaadiicda ah & ta waraqaha ahba iyada oo lagu sawiri doona wejiga Boqorka cusub, Waxa iyana wax ka bedel lagu samayn doona heesta calanka Ingiriiska & Passportka.

Qormadan yar ee kooban waxaan ku eegi doona isbedellada ugu muhiimsan ee ka dhici doona Ingiriiska tan iyo qarnigi hore, Inaga oo qodob qodob isu dul taagi doona jeerka.

1. Isbeddelka lacagta.!

Wajiga Boqorka cusub ayaa caado ahan ka soo muuqan doona lacagta qadaadiicda ah & lacagta waraaqaha ahba ee laga isticmaalo Dalka Ingiriiska iyo Dalal kale oo ku yaala Caalamka, Waxana ka mida lacagaha lagu sawiri doona wajiga Boqorka cusub lacagta Dollarka Caribbean-ka Bari, lacagta Canada, Lacagta Australia iyo Dollarka New Zealand, lacagahan ayaa dhamaantoodba loo bedeli doona si tartiib tartiib ah iyada oo Waqtina qaadan doonta.

Tariikh ahan Markii Boqoradi dhimatay taajka loo xidhay sanadkii 1952, Markiiba laguma sawirin lacagaha ee waxay lacagtu isbedeshay sanadkii 1960-kii, Marka oo Elizabeth II wejigeeda lagu sawiray £1 kaas oo uu nashqadeeyay Robert Austin oo waaga aha gudoomiyaha bangiga dhexe Ingiriiska, Isaga oo dadka qaar ku eedeyeen in uu  ladaahay samaynta lacagta.

Marka wixii ka danbeyeyna waxa lagu sawiray wajiga Boqorada lacagaha Dalalka kale sida 20 Dollar ee Canada, iyo lacagta qadaadiicda ah ee New Zealand, Sido kale waxa lagu sawiray wajiga Boqoradii dhimatay Dhammaan lacagaha Jaziradaha bariga Caribbean-ka iyo sido kale lacagta Wadamada Barwaaqo-sooranka ah.

Maanta Wadarta lacagta Boqoradii dhimatay  ku sawiran tahay waxa lagu qiyaasa wax ka badan £80 bilyan, Sida lagu sheegay warbixin uu qoray Wargayska The Guardian, Haddaba si loo beddelo lacagta inta tirada la eg oo loogu sawiro wajiga Boqorka cusub Waxa la filayaa in ay qaadan doonto ugu yaraan laba sano.

2. Isbeddelka Heesta Calanka.!

Dhanka kale Waxaa isbeddel ku imaanaya heesta calanka Ingiriiska, Taas oo sidoo kale ah heesta calanka Dalalka New Zealand, Australia iyo Canada.

Erayadeeduna heestan waxay dib ugu noqonayaan qarnigii siddeed iyo tobnaad, Sida lagu sheegay bogga qoyska Boqortooyada Ingiriiska Tariikh ahana Heestan waxay soo ifbaxday waqtigii ay jirtay xamaasadii waddaniga ahayd, Ka dib markii Amiir Charles Edward Stewart guusha wayn ka gaadhay Ciidamadii King George II ee Scotland sannadkii 1745kii. Iyada oo marka heesta lagu soo bandhigay Masraxyada Magalada London.

Isbedelka heestan ku imaan doona waxa u noqon doona tusaale ahaan sidan, hada waxay tahay “Ilaah ha badbaadiyo Boqoradda” iyada oo loo bedeli doono “Ilaah ha badbaadiyo Boqorka.”

3. Isbeddelka Astaanta Boqortooyada.!

Sida lacagaha iyo heesta calanka oo kale waxa isbedel lagu samayn doonaa Astaamaha Boqortooyada, Astamahaas oo ah Calaamado ay isticmalaan Boqorada ama Boqorku, Astaanta Boqoradii beexantay ayaana ahayd E2R, waxana xaga hoose kaga sii qorna sawirka Boqorkii St. Edward’s Crown.

Astaanta Boqoradii galbatay ayaana hada ku daabacan guud ahaan Dalka Ingiriiska, Waxayna ka muuqataa wax kasta oo Dawlada la xidhiidha laga soo bilaabo sanduuqyada boostada ilaa dharka booliisku xidho, Wixii hada ka danbeeyana Astaanta waxa lagu bedeli doona ta Boqorka cusub ee Charles.

4. Isbeddellada Kale Ee Dhici Doona.!

Waxyaabaha kale ee wax la laga beddeli doona waxa ka mida si kooban Magacyada Xukuumadda, Khasnaddaha Dawlada, Kastamyada Cashuuraha waxana lagu qori doona dhamaantoodba Erayga “Mudane”. Sido kale waxa dib u habayn wayn lagu samayn doona Ereyada ku qoran Passportka Ingiriiska.

Docda kale qareenada sar sare iyo Dadka Aqoonta durugsan u leh Nidaamka Dawlada ee ku sugan Qasriga Boqortooyada sharci ahaan waxa logu yeedha hada QC (La taliyayaasha Boqoradda), Waxana loo bedeli doona KC (La taliyayaasha Boqorka).

Ugu danbayntii Boqortooyada Dalka Ingiriiska oo ah Dawlad tariikh fog ku leh Aduunka, Waxay wajahaysa hada isbedello mug leh oo ku imaan doona dhinacyo badan kuwaas oo aan ku koobnan doonin keliya Ingiriiska balse laga arki doono daafaha Aduunka laga so bilaabo Australia ila Canada iyo weliba Dalal kale oo badan kuwaas oo ay dhammaantoodba ka taliso Boqortooyadan faca wayni ee mar aanay Qoraxdu ka dhici jirin calankeeda.

Waxa Qoray: Eng Samaale Mo Somali

Leave a Reply

Your email address will not be published.