Adis Ababa (Raxanreeb ) Kooxda TPLF ayaa sheegtay in ciidamo ka tirsan Dowladda Eritrea weerar ku soo qaateen goobo ay ku sugnateen ciidankooda gudaha goolka ay maamulaan halkaa oo marar badan ay isku fara saareen ciidanka Dowladda iyo TPLF.
Sarkaal u hadlay kooxda TPLF ayaa sheegay in ciidanka weerarka soo qaaday ay yihiin kuwo ka amar qaata Taliska Isseia Afwerk , loona dulqaadan doonin sida uu yiri.
Afhayeenka ciidamada Tigray ee TPLF Getachew Reda ayaa sheegay in ciidamada dalka Eritrea ay u muuqdaan kuwo gacan siinaya Dowladda Itoobiya
“Ciidankaas waa kuwo ka socday Eritrea waxay ku soo duleen gobolkeena , taasna waa gar daro cad ” ayuu yiri Getachew Reda oo ah Afhayeenka ciidamada Tigray ee TPLF .
Afhayeenka ayaa sheegay in dagaal culus uu ka soconayo dhowr aag oo ku teedsan xadka sida uu ku daabacay bartiisa twitter-ka.
Fallaagada TPLF ayaa ku dhawaad laba sanadood waxa ay dagaal kula jireen ciidammda federaalka ee Itoobiya iyo xulafadooda.
Leave a Reply