Israa’iil oo si arxan darra ah u duqeysay Marinka GAZA.

Israa’iil oo si arxan darra ah u duqeysay Marinka GAZA.

GAZA (Raxanreeb ) Marinka  GAZA waxaa  ka sii socda duqeymaha Israa’iil  ay  la beegsanayso goobaha muhiimka ah ee ay  ku nool yihiin dadka rayidka ah taas oo keentay walaac hor leh oo laga qabo xaaladda.

Wakaalada wararka AFP ayaa sheegtay in diyaaaradaha dagaalka Israa’iil ay kordhiyeen weerarada ay ka gaysanayaan Marinka GAZA halkaas oo dad badan ay ku dhinteen kuwo kalena ay ku dhaawacmeen.

Israa’iil ayaa duqeymo culus oo arxan-darro ah markale ku garaacday xerada qaxootiga ee Al-Maghazi oo ku taalla bartamaha Marinka Qaza ee dhulka Falastiin.

Wasaaradda caafimaadka Xamaas ayaa lagu sheegay in duqeymaha ciidamada Israa’iil ka geesteen xerada Al-Maghazi lagu dilay 70-qof oo shacab ah ,sidoo kale lagu dhaawacay tiro kale oo badan.

Tiradaan ayaa sii kordheynaysa guudahaan dadka Falastiiniyiinta ah ee Qasa lagu dilay.

Mlatariga Israa’iil ayaa sheegay in ay eegayaan sida weerarku u dhacay.

Ciidamada Israa’iil ayaa xasuuq ba’an ka geestay magaalada Gaza, tan iyo markii uu bilowday dagaalka u dhaxeeya kooxda Xamaas iyo Israa’iil 7-dii bishii October,

Leave a Reply

Your email address will not be published.