Gaza (Raxanreeb) – Isra’iil ayaa sheegtay in diyaaradahooda dagaalka ey weerareen dhowr xarumood oo ay Xizbullah ey kuleedahay gudaha Lubnaan iyagoo ka jawaab celiyay weeraro xamaaz ka geysatay waqooyiga Isra’iil.
“Diyaaradaha dagaalka ee ciidamada Cirka ayaa weeraray dhowr bartilmaameed oo ururka argagixisada ah ee Xisbullah ay ku leeyihiin dhulka Lubnaan, iyagoo ka jawaabayay toogashadii dhacday horaantii maanta,” ayaa lagu yiri warka kasoo baxay IDF.
Sidoo kale, Isra’iil ayaa maanta sheegtay in ey qaadeyso weeraro madaafiic ah oo kaga jawaabeyso gantaalada, lidka taangiyada oo laga soo tuuray Lubnaan kuna dhacay deegaanka Dovev.
Dhanka kale, Xisbullah ayaa sheegatay mas’uuliyadda weerarka, iyadoo sheegtay inay beegsatay koox saadka milateriga ah oo doonayey inay billaabaan sameynta taawarro isgaarsiineed iyo qalab ilaalineed.
Ugudambeyn, Xoghayaha Guud ee Ururka Xisbullah Xasan Nasrallah ayaa khudbadiisii labaad jeediyay tan iyo markii uu dagaalku billowday isagoo adeegsanaya muuqaal Sabtidii, isagoo sheegay in kooxdiisu ay sii wadi doonto cadaadiska ay Israa’iil ku hayso xuduudkeeda.
Leave a Reply