Muqdisho (Raxanreeb) – Faahfaahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qarax goor dhoweyd kadhacay xerada ciidanka ee Jaalle Siyaad ee wadadda warshadaha.
Sidoo kale, jugta qaraxan oo laga maqlay qeybo badan oo kamid ah degmooyinka gobolka Banaadir ayaa lagu soo waramayaa in uu isku soo xiray qof naftiis halige ah kaas oo gudaha ugalay xeerada Jaalle Siyaad ee wadadda Warshadaha.
Dhanka kale, ninkan naftiisa haligaha ahaa oo isku soo xiraya waxyaalaha qarxa ayaa lasheegay in mid kamid ah ciidanka kusugnaa xerada uu ka shakiyay kadibna uu rasaas kufuray sidaasna uu ku qarxay.
Ilaa hada majiro wax hadal ah oo kasoo baxay laamaha amniga ee dowladda, mana jirto cid sheegatay masuuliyada qaraxan.
Qaraxa kadib waxaa goobta gaaray laamaha amaanka ee dowladda kuwaas oo baaritaano kawada halka qaraxa uu kadhacay.
Dhawaan ayey aheyd markii isla xeradan uu isku qarxiyey nin qaraxyo soo xirtay kaasoo beegsaday ciidamo ka tirsanaa kuwa dowlada oo halkaas safaf ugu jiray, waxaana ku dhintay askar fara badan halka qaar kalena ay ku dhaawacmeen.
Leave a Reply