Itoobiya (Raxanreeb Online): Dowladda Itoobiya ayaa shaacisay in ay ciidamadeeda kala baxayso magaalada Buur Xakaba ee gobolka Bay, halkaas oo ay ku sugnaayeen muddo 12-kii sano ee la soo dhaafay.
Itoobiya ayaa muddo dheer ciidamada ka joogay magaalada Buur Xakaba, kuwaas oo door weyn ka qaatay sugidda amniga iyo ka hortagga weerarrada kooxaha argagixisada. Magaalada ayaa muhiimad gaar ah u leh amniga iyo isku socodka gobolka Bay.
Buur Xakaba ayaa muddo dheer si weyn ugu tiirsaneyd joogitaanka ciidamada Itoobiya, iyadoo Itoobiya ay kamid ahayd dhinacyadii ugu muhiimsanaa ee amniga magaalada gacanta ku hayay.
Ka bixitaanka ciidamada Itoobiya ayaa dhalinaya su’aalo ku saabsan cidda la wareegi doonta amniga magaalada iyo saameynta ay tallaabadan ku yeelan karto xaaladda amni ee gobolka Bay.

Leave a Reply