Itoobiya oo raadinaysa dekad kale oo dalalka deriska ah.

Itoobiya oo raadinaysa dekad kale oo dalalka deriska ah.

Nairobi (Raxanreeb ) – Xubno sar sare oo tirsan dowladda Itoobiya ayaa gaaray dalka Kenya si ay sahmiyaan suurtagalnimada dekad ay kala soo degi karaan shixnadaha ganacsiga ee ay uga baahan yihiin dalal badan oo caalamka ah.

Waxa ay booqdeen xubnahan Dekada Laamu halkaas oo ay kala kulmeen saraakiil Kenyan ah oo ay ka wada – hadleen sidii Itoobiya halkaas ay ugula soo degi lahayd shixnadaha ganacsiga.

Itoobiya ayaa hadda adeegsata dekadda Jabuuti halka hore ay isugu dayday dekadaha Somaliya oo ay kala macaamiishay Somaliland bare muran badan uu ka dhashay & diidmo.

Sida warar soo baxaya ay sheegayaan waxaa suurtagal ay tahay in Itoobiya ay ka laabatay heshiiska Badda ee Somaliland ay la gashay inkastoo Abiy Ahmed & Muuse Biixi midkoona ka hadal warka ku saabssn dib ugu noqashada Heshiiskaas oo culays ku keenay Itoobiya.

Wasiiru dowlaha Wasaaradda Gaadiidka iyo Saadka ee Itoobiya Denge Boru ayaa yiri: “Weftigu waxay soo booqdeen xaaladda dekedda iyo waddooyinka ilaa Mooyaale, si ay u eegeeen in ay ku habboon tahay hawlgalka iyo in kale.”

Si loo xaqiijiyo hawlgal aan kala go ‘lahayn, waraaqo iyo heshiisyo kala duwan oo u dhexeeya labada waddan ayaa loo baahan doonaa in la dhammaystiro ka hor inta aan adeegga laga bilaabin Lamu.

Leave a Reply

Your email address will not be published.