Addis Ababa (Raxanreeb ) War ka soo baxay Dowladda Itoobiya ayaa looga hadlay weerar la sheegay in kooxda Al- Shabaab ay ku qaadeen kolonyo ay lahaayeen ciidanka Itoobiya oo qayb ka ah howlgalka ATMIS kuwaas oo ku sugan koonfurta dalka.
In weerarkaas ay ku dhinteen in ka ka badan 462 dagaalame isla markaana ay jiraan jab kale oo la gaarsiiyay kooxda Al- Shabaab ee soo qaaday weerarka gaadmada ah .
Sidoo kale waxaa lagu sheegay warka in isku daygaas uu noqday mid fashilmay isla markaana ay jiraan weeraro gaadmo ah oo fashilmay oo kooxda ay soo qaadeen.
Militariga Itoobiya ayaa horey dhowr jeer u fashiliyey dhowr isku day oo Al-Shabaab ay ku geli laheyd bariga Itoobiya, si ay xuduudda uga fuliyaan weeraro, ayaa lagu yiri bayaanka.
Dagaalka ayaa yimid kadib markii Al-Shabaab ay weerareen laba kolonyo oo ka mid ciidamada Itoobiya, oo mid uu ka yimid Yeed kuna socda Waajid, halka kan kale la beegsaday.
Kooxda Al-Shabaab ayaa bayaan ay soo saartay 17-kii September ku sheegtay inay dileen 167 askari oo Itoobiyaan ah, islamarkaana ay burburisay baabuur militari kadib dagaal ka dhacay gobolka Bakool.
Leave a Reply