DF oo go’aan ka soo saartay ka ganacsiga Gargaarka

DF oo go’aan ka soo saartay ka ganacsiga Gargaarka

Muqdisho (Raxanreeb ) Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa gabi ahaan mamnuucday in laga ganacsado gargaarka bini’aadannimo ee dalka la keeno, kaddib warsaxaafadeed ay si wada jir ah u soo wada saareen Hay’adda Maareynta, Wasaaradaha Gargaarka Dowladd Goboledyada dalka iyo Gobolka Banaadir.

Go’aanka ka soo baxay Dowladda Soomaaliya, Wasaaradaha gargaarka maamul gobaleedyada dalka iyo gobolka Banaadir ayaa lagu sheegay in uu yahay mid looga hortagayo in la musuqmaasuqo gargaarka bini’aadannimo ee dalka la keeno.

“Hay’adaha u xilsaaran bixinta Gar-gaarka bini’aadanimo ee Dowladaa Soomalia heer Federaal iyo heer Dowlad Goboleed intuba waxa ay halkan ku cadaynayaan in gebi ahaanba ay mamnuuc tahay in lagasii ganacsado Gar-gaarka sare ku xusan haddii ay ahaa laheyd Cunto, Daawo, ama Qalabka kale ee Hooy ahaan loo isticmaali karo,” ayaa lagu yiri warka.

bayaanka ay si wada jirka ah u soo wada saareen Hay’adda Maareynta Musiiboyinka Wasaaradaha Gargaarka Dowladd Goboledyada dalka iyo Gobolka Banaadir ayaa lagu sheegay in ciddi xiriir kula haata suuq geynta ama sii iibinta alaabaha gargaarka Beni’aadinimo lala tiigsa doonaa Hay’adaha ku shaqada leh sida Booliiska.

Qoraalka ayaa intaasi sii raacinaya “Haddey Soomaali yihiin iyo haddii aysan aheynba in leexsiga Gar-gaarka Beni’aadanimadu uu yahay ficil an sinaba loogu dul qaada karin.”

Guddiga Yurub ayaa in ka badan 7 milyan oo doollar oo gargaar ah siinayay howl-gallada WFP ee Soomaaliya sannadkii hore, taasoo qayb ka ah in ka badan $1 bilyan oo deeq ah oo ay heshay, sida ay muujinayso xogta Qaramada Midoobay.

Leave a Reply

Your email address will not be published.