Cape Town : Ganacsade Soomaaliyeed oo lagu dilay .

Cape Town : Ganacsade Soomaaliyeed oo lagu dilay .

Cape Town (Raxanreeb ) Wararka RBC uu ka helayo dalka koonfur Afrka gaar ahaan  Cape Town ayaa sheegaya in halkaas lagu dilay muwaadin Soomaaliyeed.

Sida dadka ku  nool halkaas ay sheegayaan  muwaadinkan ayaa ahaa ganacsato , waxana uu qayb ka yahay dilal Soomaalida halkaas loogu – gaysto.

Muwaadinka Soomaaliyeed ayaa Alle ha u naxariistee oo lagu Magacaabi jiray  Daahir Cali Xuseen ,waxaana goobta isaga baxsaday  kooxdii dilka fulisay.

Ciidamo ka tirsan Booliiska Magaalada Capo Town oo gaaray dukaanka uu falka dilka ka dhacay ayaa sheegay in ay baarayaan dhacdada iyo burcadii ka dambeeysay, kuwaas oo halkaasi ka sameeyay howlgallo xoogan.

Dalka Koonfur Afrika ayaa waxaa sanad walba si joogta ah uga dhaca, dilka, dhaawaca iyo Boobka lagu haayo Soomaalida.

Ilaa iyo hadda majirto  cid xil iska saartay wax ka qabashada dhibaatada dalkaas loogu gaysto dadka Soomaaliyeed ee ganacsiga ku leh dalka Koonfur Afrika.

Leave a Reply

Your email address will not be published.