Jabuuti oo ciidan kala baxday Soomaaliya + Sababta

Jalalaqsi (Raxanreeb ) Cuntubyo ka tirsan ciidanka Jabuuti ayaa ka  baxay gudaha Soomaaliya gaar ahaan gobolka Hiiraan kuwaas oo dalkooda dib loogu celiyay.

War  ka soo baxay  Howlgalka ATMIS ayaa lagu sheegay in ciidankan laga saaray xero ay ku lahaayeen degmada Jalalaqsi ee gobolka Hiiraan halkaas oo ay ka wadaan howlgal ka dhan ah kooxda Al- Shabaab.

Waxaa lagu sheegay warka ka soo baxay howlgalka ATMIS in ciidankan laga saaray Hiiraan lagu soo bedeli doono kuwa kale maadama ay dhamaysteen howlgalkooda.

Dowladda Jabuuti ayaa ka mid ah dalalka safka hore kuwaas oo Soomaaliya ka wada howlgal ay- ku doonayaan in ay ku sugaan amniga .

Si kastaba, ciidamada ATMIS ayaa qorshuhu yahay in dhammaadka bisha December ee sanadka soo socda ee sanadka 2024-ka inay isaga baxaan dalka, markaas oo ay amniga guud ay la wareegi doonaan ciidamada Soomaaliya

Leave a Reply

Your email address will not be published.