Laascanood : dagaal ka socda maalintii lixaad & xabad joojin lagu fashilmay

Laascanood (Raxanreeb ) Magaalada Laascanood ee gobolka Sool waxaa maalintii lixaad ka soconaya dagaalka u dhaxeeya ciidanka Somaliland iyo kooxaha kacdoonka

Aroortii hore ee maanta oo Sabti ah ayaa gudaha magaalada Laascanood waxaa mar kale laga maqlay daryaanka hubka culus  kuwaas oo qaarkood ku dhacayay xaafadaha ay  ku hareen dadka rayidka.

Dagaalka ayaa maanta weli ka socda duleedka magaalada iyadoo la soo sheegayo khasaaro ka dhashay.

Madaafiicda waxaa maanta ka dhashay dhimasho iyo dhaawac, iyadoo sidoo kalena la beegsanayo xarumaha Caafimaadka ee magaalada.

Wasaaradda Arrimaha Gudaha Somaliland ayaa sheegay in xabad joojintii ay xalay ku dhawaaqeen aysan dhanka kale kale addeecin oo saakay ay weerar ku soo qaadeen.

Leave a Reply

Your email address will not be published.