Jahwareer ka taagan Luuq & Guddoomiyaha degmadaas oo la diiday

Jahwareer ka taagan Luuq & Guddoomiyaha degmadaas oo la diiday

Luuq (Raxanreeb ) RBC xogta uu ka helayso degmada Luuq ee gobolka Gedo ayaa sheegaysa in  ciidanka degmadaas ay diideen in Garoonka uu ka soo dego Guddoomiyaha degmada.

Gudoomiyaha degmada Cali Kadiye ayaa la sheegay inuu ka yimid magaalada Adis Ababa ee dalka Itoobiya , halkaas oo geed fadhi  u ah mudooyinkan siyaasiinta gobolka Gedo.

Sababaha diidmada Guddoomiyaha ayaa lagu sheegay in ay tahay siyaasiinta gobolkaas oo dhinac u raran iyo isaga oo in muddo ah deegaanka tagin isla markaana la bixin mushaarka ciidanka.

Waxaa soconaya dadaalo lagu doonayo in lagu dejiyo xiisada ka dhalatay imaanshaha degmada Luuq ee gobolka Gedo , lamana oga sida arinkan loogu guulaysan karo.

Siyaasiin badan oo gobolka Gedo ah ayaa maalmihii la soo dhaafay ku sii qulqulayay degaanada gobolka Gedo , kuwaas oo ujeedkoodu uu yahay wax ka bedelka maamulka Jubbaland.

2019 degaanada Daawo Dowladii Farmaajo Luuq waxay u ahayd bu,da isbadal ka uu ka bilowday taas oo markii danbe Jubbaland laga saaray Gedo

Leave a Reply

Your email address will not be published.