Wasiir iska bixin waayay mushaarka ilaaladiisa oo la toogtay

Wasiir iska bixin waayay mushaarka ilaaladiisa oo la toogtay

Kambala (Raxanreeb ) Wasiiru dowlaha Wasaaradda Shaqada, Shaqaalaha iyo Xiriirka Warshadaha, Col (rtd) Charles Okello Engola ayaa maanta oo Talaada ah  toogasho lagu dilay.

Charles Okello Engola ayaa ku sugnaa gurigiisa, waxaana dilkaasi ka dambeeyay sida la sheegay askari katirsanaa ilaaladiisa gaarka ah.

Afhayeenka booliiska, Fred Enanga ayaa xaqiijiyay toogashada lagu dilay wasiir Charles Okello Engola , waxa uuna sheegay in falkaasi dilka ah uu ka dambeeyay askari katirsanaa ciidanka Qaranka Uganda

Goob joogayaal ayaa sheegay in daqiiqado ka dib markii uu toogtay uu askarigu ku wareegay xaafadda isaga oo rasaas hawada u ridayay, waxaana uu ku qeylinayay in aan la siinin mushaaraadkiisa, Kadibna uu is toogtay laftgiisa.

Waxa uu sheegay afhayeenka in askarigii dilka geestay uu ka baxsaday guriga wasiirka

 Muuqaalo la soo dhigay baraha bulshada ayaa muujinaya dadka deegaanka oo goobta isugu yimid iyagoo argagaxsan.

“Wasiirka waxaa lagu toogtay hoyga uu ka degan yahay xaafada Kyanja oo katirsan Kampala, waxaa toogtay mid ka mid ah ilaaladiisa oo la sheegay in uu dhowr xabadood ku dhuftay ‘’ayuu yiri  Afhayeenka booliiska, Fred Enanga .

Ciidamada ammaanka dalka Uganda oo gaaray guriga wasiirka la dilay ayaa halkaasi ka bilaabay baaritaano ku aadan dilka, walina lama oga waxa sababay in askarigan uu dilo wasiirkii uu ilaalada u ahaa kaddibna isaga is toogto.

Colonel Engola ayaa horay u soo noqday wasiir ku xigeenka wasarradda gaashaandhigga.

Leave a Reply

Your email address will not be published.