Jake Sullivan ” Aadban uga walacsanahay macluusha ka jirta Soomaaliya”

Washington (Raxanreeb ) Jake Sullivan oo La Taliyaha Amniga Qaranka Mareykanka ayaa dhaliilay waddamada iyo hay’adaha ka gacma laabtay garab istaagga Soomaaliya si wax looga qabto dhibaatooyinka Bani aadamnimo ee la dhibtoonayaan malaayiin ruux.

Waxa uu sheegay in Soomaaliya iyo dalalka derisa aysan weli kasoo kabsan saameyntii COVID-19.

“Maraykanku waxa uu aad uga walaacsan yahay saadaashan xun iyo baaxadda baahida weyn ee ka jirta Soomaaliya iyo gobolka oo dhan,” ayuu yiri Sullivan oo war-saxaafadeed soo saaray.

La-taliyaha Amniga Qaranka madaxweyne Biden waxa uu sheegay in Mareykanka uu sanadkan bixiyey $706 milyan, taasi oo ah kala bar dhammaan deeqda ay caalamka oo idil ku bixiyeen gargaarka bani’aadaminimo ee Soomaaliya illaa hadda sanadkan 2022.

Washington waxa ay wax laga xumaado ku tilmaantay in aysan weli arag deeq-bixiyeyaal kale oo soo kordhiyey kaalmooyin la taaban karo iyo gargaar.

Dowladda Federaalka, Qaramada Midoobay & Hay’ado kala shaqo duwan ayaa saluugay heerka gacan qabashada ah ee Dadka Abaarta saameynta taban ku reebtay ee ku nool Soomaaliya, waxaana intaas u sii dheer colaadda ka jirta Gobollada.

Leave a Reply

Your email address will not be published.