Golaha ammaanka oo kulan ka yeelanayo Xaaladda Soomaaliya.

Newyork (Raxanreeb ) Maanta oo Arbaca ah Golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa kulan gaar ah ka yeelanaya xaaladda Soomaaliya.

Xafiiska Qaramada midoobay ee Soomaaliya UNSOM ayaa isu diyaariyay gudbinta xogta looga baahan yahay in uu dhex geeyo fadhiga Golaha Ammaanka si loo dhageysto wakiillada UN-ka ee Soomaaliya.

Kulanka Maanta ee Golaha Ammaanka ayaa ku soo aadaya xilli Soomaaliya ay ka socdaan dagaallo ka dhan ah Al-shabaab iyo sidoo kale xaalad macluul daran oo la saadaaliiyay.

Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay James Swan, Ku-simaha Ergeyga Gaarka ah ee Midowga Afrika ee Soomaaliya Fiona Lortan iyo Ergeyga Gaarka ah ee Midowga Yurub u qaabilsan Geeska Afrika Annette Weber ayaa golaha warbixin siin doona xaaladda Soomaaliya.

Masuuliyiintan ayaa ku soo hadal qaadi doona hadalkooda sida ay muhiim u tahay in wax laga qabto xaalada guud ee Soomaaliya , si gaar ah amniga iyo macluusha sii kordhaysa ee dalka ka jirta.

Golaha Ammaanka ayaa kordhiyay kulamada gaarka ah ay ka yeelanayaan arrimaha Soomaaliya, bilihii ugu dambeeya ee fadhiyadaas dhaceen waa 6dii bil ugu horreysay ee sanadkaan 2022.

Leave a Reply

Your email address will not be published.