Jawaari oo mar la yiri wuu dhintay oo xaaladiisa laga war doonay !

Jawaari oo mar la yiri wuu dhintay oo xaaladiisa laga war doonay !

Istanbul (Raxanreeb ) Guddoomiyihii hore ee Golaha shacabka Prof Maxamed Cusmaan Jawaari ayaa maalmihii la soo dhaafay lagu dawaynayay isbitaal ku yaala magaalada Istanbul ee dalka Turk-gaga.

Maxamed Cusmaan Jawaari ayaa Dowladda Federaalka Soomaaliya u qaatay dalka Turkigaga ka dib markii xaaladiisa la sheegay in wax laga qaban waayay.

Madaxwaynihii hore Ee Soomaaliya Sheekh  Shariif Sheekh Axmed ayaa Magalada Istanbul Ku booqday gudoomiyihii hore Ee golaha Shacabka Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari  oo lagu soo waramayo in xaaladiisa ay soo hagaagayso.

Madaxwayne Shariif Sheekh Axmed ayaa Turkiga u tagay in uu wax ka ogaado xaalada guddoomiye jawaari oo shaki la galiyay xaladiisa caafimaad.

Guddoomiye Jawaari ayaa mar waxa la sheegay inuu geeriyooday inkastoo markii dambe la beeniyay warkaas .

Leave a Reply

Your email address will not be published.