Muqdisho ( Raxanreeb ) Maanta oo Jimca ah waxa magaalada Muqdisho soo gaaray wafdi heer caalami ah oo ka socda Qaramada Midoobay.
Wafdigan waxaa hoggaaminayey madaxa hey’adda qaxootiga adduunka (UNHCR) Filippo Grandi , kaas oo Garoonka magaalada Muqdisho ku soo dhaweeyay xubno ka socda Dowladda Soomaaliya.
Ujaadka wafdigan ayaa ah sidii wax loogu qaban lahaa dhibaatada abaaraha iyo dadka ay sameeyaysay sida ay ku warameen masuuliyiin ka tirsan Wasaaradda arrimaha Gudaha iyo Federaalka.
Filippo Grandi inta uu joogo Soomaaliya, waxaa lagu wadaa inuu kulamo kala duwan la yeesho madaxda dowladda federaalka ah iyo hey’adaha kale ee daneeya arrimaha qaxootiga iyo barakacaasha.
Socodka madaxa UNHCR Grandi ee Soomaaliya ayaa imaanaya todobaad kadib markii isaga iyo wasiirka arrimaha gudaha, federaalka iyo dib u heshiisiinta mudane Axmed Macallim Fiqi ay ku kulmeen Switzerland, iyaga oo isla meeldhigay arrimo badan oo ku saabsan arrimaha qaxootiga iyo barakacayaasha.
Leave a Reply