Kismaayo ( Raxanreeb ) Maxkamadda ciidamada qalabka sida ee Jubbaland ayaa xukun dil ah ku fulisay labo dambiile oo hore si ula kac u gaystay dil.
Gacan ku dhiigle Yuusuf Cabdille Ismaaciil oo hore dil ugu gaystay marxuum Cabdicasiis Axmed Iimaan iyo gacan ku dhiigle Cabdi Xasan Isaaq oo oo hore si bareer ah u dilay Axmed Xuseen Cismaan ayey maxkamaddu maanta goob joog u ahayd fulinta xukunkii dilka ahaa oo looga qisaasayay dilkii ay hore u gaysteen.
Xeer ilaaliya maxkamadda ciidamada qalabka sida ee Jubbaland Gaashaanle dhexe Mowliid Axmed Yaasiin oo toogashada kadib warbaahinta lahadlay ayaa sheegay in dilka labadan qof uu iyagana daawo u yahay umaddana ay ku kala nabad galeyso, waxaa uuna sidoo kale carrabka ku adkeeyay in qof walba oo dil bareer ah gaysto sida ay diinta islaamka iyo xeerarka dalka u yaalan qabaan in lagu oofin doono qisaasta jariimada u gaystay si buu yiri ay umaddu u kala nabad gasho dilka sharci darrada ahna uu ooga yaraado.
Leave a Reply